Shir dhaqaale loogu uruurinayo Soomaaliya oo ka furmay Geneva

Image
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay safiirro iyo wakiillo ka socday in ka badan 20 dal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa shir-guddoomiyay Madasha Daneeyayaasha Caalamiga oo lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee Waddooyinka Xalka Waara oo lagu qabtay Geneva.

Madashan oo ay soo agaasimeen Waaxda Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Xafiiska Gaarka ah ee Xal-u-helidda Barakaca ee Qaramada Midoobay, waxaa ka qeyb galay safiirro iyo wakiillo ka socday in ka badan 20 dal, hay'ado caalami ah iyo bangiyada horumarinta.

Wasiirka khudbad uu ka jeediyey furitaan shirka wuxuu ku tilmaamay muhiimada ay leedahay helidda xal waara ee barakacayaasha, isagoo xusay in Soomaaliya ay qorsheynayso in mudda 2 sano ah xal waara loogu helo 1 milyan oo barakacayaal ah, taasoo u baahan iskaashi iyo maalgelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM