Shir qaxootiga Soomaaliya looga hadlay oo ka dhacay Switzerland

Image
Image

GENEVA - Shir labo geesood ah, oo looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya iyo qaxootiga ayaa ka dhacay magaalada Geneva, ee xarunta dalka Switzerland.

Wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, ergayga UNHCR ee arrimaha qaxootiga Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey iyo madaxa hay'adda Filippo Grandi ayaa ka qeyb-galay kulanka.

Mas'uuliyiinta ayaa si gaar ah shirkooda diiradda ugu saarey qaxootiga Soomaaliya ee ku nool Yemen, Kenya iyo Libya, kuwaasoo UNHCR iyo dowladda Soomaaliya ka shaqeynayaan dib usoo celintooda.

Shirka Geneva ayaa la isku afgartay in qaxootiga kuwadooda u baahan inay si aan qasab ahayn inay dalka ugu laabtaan, loo fududeeyo safarkooda, islamrkaana lagu taageero waxay kusoo noqon lahaayeen iyo in la caawiyo markii ay dalka yimaadaan.

Horey dowladda Federaalka, UNHCR iyo Kenya ayaa u galay heshiis dib usoo celinta qaxootiga Dhadhaab ku saabsan, kaasoo lagu celiyay kumanaan qoyska, oo la geeyay gobollada nabad ah, balse la dayacay.

Dhadhaab, oo ah xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka, kuna taalla waqooyiga bari ee Kenya ayaa waxaa ku nool dad Soomaali ah oo lagu qiyaasay 400,000 oo qof kuwaasoo intooda badan degan ku dhawaad 30 sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM