Shir u bilowday maamuladda iyo wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir u dhaxeeya madaxda maamuladda Soomaaliya iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka bilowday Airport Hotel ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Dhinacyadda kulanka aadka isha loogu hayo kasoo muuqdey ayaa waxay kala yihiin; madaxwayneyaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Diblumaasiyiinta shirka goobjoog ka ahaa waa; Ergayga Qaramada Midoobay, James Swan, wakiilka Midowga Afrika, Fransisco Madiera, danjiraha Mareykanka, Donald Yamomota, iyo safiiro kale.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay qaar kamid ah xafiisyada madaxwayneyaasha maamulada, kulankan waxaa diiradda lagu saarey xaalada cakiran ee waddanka uu ku sugan yahay.

"Kulankan ayaa lagaga hadlayaa arimaha Doorashada iyo sidii loo dardar galin lahaa dadaalada lagaga mira dhalinayo wada hadalada Madaxdu ay leeyahiin," ayay Madaxtooyada Jubaland tiri.

Madaxtooyada Puntland ayaa dhankeeda warisay: "Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlaya marxaladda dalku marayo gaar ahaan doorashada".

"Shirka oo ay kasoo qeybgaleen dhamaan madaxda DX-DFS iyo wakiilada beesha caalamka sida Ergeyga gaarka ah ee QM, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo waliba safiirada Midowga Yurub iyo UK ayaa looga arrinsanayaa arrimaha doorashooyinka Dalka," ayay dhankeeda tiri Madaxtooyadda Galmudug.

Kulankan ayaa wuxuu yimid xilli dowlad goboleedyadda ay is-faham horudhac ah ka gaareen is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka oo ah in ay yeeshaan shir ay uga heshiiyaan ajandaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM