Shirka 3aad ee Rooble iyo Musharaxiinta oo bilowday

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareega saddexaad ee wadaxaajoodyadda Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya iyo Xukuumadda Xil-gaarsiinta ayaa ka bilowday Hotel Decale ee Muqdisho.

Shirkaan ayaa dib-uga-dhacay waqtigii qorshuhu ahaa in uu bilowday oo ahayd fiidnimadii caawa oo Khamiis ah, iyadda oo wali aan fahfaahin rasmi ah laga bixin sababta keentay dib-u-dhacaas badan.

Illaa haatan, lama shaacin ajendaha shirka. Balse, wararku waxay tibaaxayaan in diiradda lagu saarayo heshiisyadii hore iyo qaabka loo fulinayo si gaar ah door ay musharaxiinta ku yeeshaan wadahadalada.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ajendaha ay ku jirto sugida ammaanka ee banaanabxa la qorsheynayo in musharaxiinta ay Sabtida ku qabtaan Muqdisho taasoo looga fadhiyo xukuumadda xil-gaarsiinta.

Wadahadaladii horey u qabsoomay ayaa qaatay saacado badan, iyadda oo aan la ogeyn waqtiga uu soo gabagabi doono shirkaan xilli ay xusid mudan tahay in xilli dambe uu bilowday shirka wareega 3aad.

Gabagabadda ayaa la filayaa in ay dhinacyadda soo saaraan qoraal ay ku cad yihiin natiijadda iyo qodobadda ay ka qeybgaleyaashu isla-meel-dhigeen mudadii uu kulankan xasaasiga ah uu socday.

Kahor kulankaan, musharaxiinta ayaa maanta aaladda Zoom-ka kula shiray Beesha Caalamka, iyaga oo isla gartay ay sii wadaan gorgortanka ay kula jiraan xukuumadda xil-gaarsiinta.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli uu maanta fashilmay kulan kale oo madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo isugu yeeray maamuladda kasoo Puntland iyo Jubaland ay si cad uga hor-yimaadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM