Shirka Afasiyooni oo loo diyaar-garoobayo xilli khilaaf jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qabanqaabada shirka Afsiyooni ayaa socota. Ka qeybgaleyaasha qaar kuna jiro madaxwayne Farmaajo ayaa xaadiray hoolka.

Balse, madaxda Puntland iyo Jubaland oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ayaa su'aal gelinaya.

Wallow rajo xumo xooggan ay jirto, Beesha Caalamka waxay waddaa dedaalo lagu badbaadinayo kulanka si gaar ahaan is-mari-waaga ka taagan ajandaha.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa xalay Twitter-ka ku daabacay: "Ajandaha shir madaxeedka la filayo ee arrimaha doorashooyinka waa in laga talogeliyo dhamaan dhinacyadda uu khuseeyo ee saamileyda. Ajande hal dhinac ah sidda kan wuxuu fashilinayaa kulanka".

AMISOM ayaa xalay qoraal ay soo saartey ku sheegtey in wakiilkeedu Amb. Francisco Madeira kulamo la qaatey madaxda maamulada Somalia iyo siyaasiyiinta qaar una sheegey in dhameystireen arrimahii farsamada amni sugida shirka la filayo iney madaxda ku yeelato gudaha xerada Xalane.

Wakiilka ayaa tibaaxay in amniga shirka iyo kan madaxda ka qayb galaysa ay sugi doonaan ciidamada AMISOM oo dalka u jooga nabad-ilaalin.

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo xalay ka hadlay madasha Clubhouse, ayaa Puntland iyo Jubaland si dadban ugu qeexay "doorasho diidayaal".

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Timacadde oo u jawaabay Wasiirka Warfaafinta JFS, Cismaan Dubbe: "Waa nasiib darro in masuuliyiinta xilku ka dhammaaday ay awood bidaan, hadallo aan munaasib ahayn oo warbaahintii Qaranka loo adeegsado. Oday Dubbe waxaan leeyahay hadal xumo nin bay kugu dirtaa ee nin kaama celiso".

"Dalkaan guulwadayn iyo borobogaando been ah laguma haysan karo ee sarraynta iyo ku dhaqanka Dastuurka dalka baa lagu xukumi karaa," ayuu xusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM