Shirka Amniga Qaranka oo dib u dhac uu ku yimid [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dib udhac ayaa ku yimid shirkii Gollaha Amniga Qaranka ee lagu waday inuu maanta magaalada Muqdisho ka furmo, lana qorsheeyay inuu socdo 17-ka iyo 18-ka bishan, sida laga soo xigtay Villa Somalia illo ka tirsan.

Ma jiro waqti kale oo loo cayimay shirka inuu furmo, balse, waxaa xusid mudan in baaqashadiisa ay timid kadib markii maamul goboleedyadda oo uu Madaxwayne Farmaajo ugu baaqay inay yimaadaan Muqdisho ay shuruud ku xireen ka qeyb-galkiisa.

Maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo war qoraal ah si wadajir ah usoo saarey ayaa cod dheer ku sheegay inay kaliya miiska la fariisan karaan madaxda Villa Somalia marka la helo dhinac saddexaad oo dhex-dhaxaadisa.

Tani waxay ka dambeysay markii ay hogaamiye-yaasha gollaha Iskaashiga ku dhawaaqeen 8-dii bishan inay hakiyeen xiriirkii wadashaqayneyd ee kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, oo ay ku eedeeyeen inay fulin waysay heshiiyo hore iyo faragelin.

Dowladda Soomaaliya si toos ah ma aysan uga jawaabin eedeynta maamul goboleedyada ee ah inay ku fashilantay amniga, fulinta go'aano laguu gaarey shirarkii hore iyo inay faragelin joogto ah ku hayso arrimaha gudaha ee maamuladda.

Balse, Farmaajo ayaa saacado kadib War-murtiyeedka soo saarey qoraal kaasoo uu Madaxda maamuladda ugu baaqayo shir deg deg ah oo Gollaha Amniga Qaranka ah, kaasoo uu ku sheegay wadatashi, balse haatan uu umuuqda mid aanan qabsoomi karin.

Khilaafkan ayaa soo dedajiyay in Aqalka Sare oo wakiil ka ah maamul goboleedyada inuu soo farageliyo, islamarkaana wafuud u kala diro xarumaha maamuladda, kuwaasoo markii ugu horeysay gaarey caasimada Puntland ee Garoowe, shalay oo Axad ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM