Shirka qabyada ah ee Afasiyooni oo galay maalintii labaad

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo weli shirka ay ka maqan-yihiin maamuladda Jubaland iyo Puntland ayaa waxaa Villa Somalia ka soo baxay war-saxaafadeed lagaga hadlayo shirka halka dhinac ah ee ka socda xarunta Afisyoone.

Kulanka waxaa ka qeybgalay madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Farmaajo.

Qoraalka ayaa wuxuu u qornaa sidda tan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka.

Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrigeliyey Xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka in ay si daah furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM