Diyaarado marin-habaabiyey Xujeyda oo lala xisaabtamayo

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabeyso olale ka dhan ah afar shirkado kuwaasi oo kamid ah diyaaradihii daabulay Xujeyda Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa, sida ay sheegtay xukuumadda, waxay Xajka sanadkan ku leedahay qoondo gaareysa in ka badan 11,500 oo Xujey ah, kuwaasi oo gobolada wadanka oo dhan ka kala baxay.

Isaga oo aanan magac-dhabin afarta diyaaradood, ku xigeenka wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta, ayaa wuxuu ku eedeeyay in ay marin-habaabaahiyeen xujeyda ayna fulin balantii.

Diyaaradahaasi oo kuwa wadaniga kamid ah ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay in ay Xujeyda dejiyaan goob aanan lahayn degaan wanaagsan iyo biyo.

"Waa arrin khalad ah in ay si khaldan uga guuriyaan goobihii fiicnaa ayna dejiyaan meelo kale. Afartaasi diyaaradood gacanta ayaan ku haynaa, waana la xisaabtameynaa," ayuu yiri Cismaan Aadan Dhubow

Hadalka wasiir ku xigeenka ayaa kusoo aadaya kadib sawirro iyo muqaalo lagu baahiyey baraha bulshadda ay muujiyeen Xujey isugu jirta dumar iyo rag oo "ku jira nolol silac ah".

Iyadda oo balantu ahayd in shirkadaha diyaaradaha ay dejiyaan goobo degaan hagaagsan leh, sawiradda iyo muuqaaladda ayaa muujiyey Xujeyda oo dhulka ku jiifta, iyadda oo ay tahay habeen.

Dadka adeegsada baraha ay bulshaddu ku kulanto oo ka fal-celiyay baahintaasi aadna uga carooday ayaa waxay is-waydiiyeen in ay "yihiin" Xujey ama Muhaajiriin.

Xujeyda Soomaaliyeed oo laga qaado lacag badan ayaa sanad kasta la kulma dhibaatooyin u badan dhinaca degaanka, waxaana wali aanan jirin talaabo waxtar leh oo ay dowladdu u qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM