Shirkii maaliyadda ee Muqdisho oo marxalad adag galay

Image
Dowladda Dhexe ayaa ku doodaysa in lacagaha loo qaybsado si siman.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararkii ugu dambeeyay ee ay Garowe Online heshay ayaa sheegaya in beri lasoo gabogabayn doono Shirka, dowladda federaalkana ay iyada dhexdeeda kasoo tashanayso arrimaha socda.

Dowladda Dhexe ayaa ku doodaysa in lacagaha loo qaybsado si siman, halka dowlad goboleedyada ay ku taaganyihiin qoondadii Hore ee 60/40 , iyada oo dowladda Dhexe ay qaadan jirtay 40%.

Natiijada wada hadaladan ayaa waxaa aad u danaynaya deeq bixiyeyaasha caalamka, waxayna muhiim u tahay dhaqaalaha Mustaqbalka la siin doono dowladda federaalka oo salka ku haya barnaamijka deyn cafinta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM