Shirkii Madasha oo looga heshiiyay qeybsiga $100kii milyan

Image
Illo-xog ogaal ah waxa ay tibaaxayaan in dowlad goboleedyada la siiyay qoondo isku mid ah.

MUQDISHo, Soomaaliya - Wararka ay heleyso Garowe Online ayaa sheegaya in shirkii hoggaamiyeyaasha ee Muqdisho ka socday lagu gaaray heshiis ku saabsan qeybsiga lacagihii kabka miisaaniyadda ee beesha caalamka ka timid, taas oo maalmo ka hor ay ku kala kaceen Wasiiradda maaliyadda.

Illo-xog ogaal ah waxa ay tibaaxayaan in dowlad goboleedyada la siiyay qoondo isku mid ah oo min 4 milyan oo doolar ah, taas oo aad uga duwan sidii hore ee wax loo qeybsan jirey.

Sidda uu dhowaan wareysi uu bixiyay ku sheegay wasiirkii hore ee maaliyadda fedeaalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, kabka miisaaniyadda waxaa loo bixin jirey hadba sida ay maamulada u kala miisaaniyad badanyihiin.

Heshiiska hadda dhacay wuxuu ka dhiganyahay in maamulada qaar, sida Puntland wax iska badaleen qaybta ay heli jirtey , taas oo dad u dhow shirka qabaan iney ugu wacantahay maqnaanshiyaha Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo shirka kaga qeybgalay qaab Zoom ah.

Shirka oo muddo kooban ahaa ayaa dib loo dhigay qodobo badan oo muhiim ahaa maadaamaa madaxweynaha federaalka uu u safrayo Kenya si uu uga qeybgalo caleemo saarka William Ruto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM