Go'aanno kasoo baxay Kulankii MD Farmaajo iyo Taliyaasha laamaha amniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxwayanaha Somaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka.

Kulankan waxaa looga hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira tayeynta iyo tababarradda ciidamada, dagaalka lagula jiro argagixisada, xoojinta wada shaqaynta ciidamada iyo hanashada ammaanka guud ee dalka kahor inta uusan soo idlaan howlgalka ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxwaynaha ayaa ku amray saraakiisha ciidamada in ay soo dhisaan guddi ka shaqeeya diyaarinta qorshe midaysan oo ku aaddan xoojinta wada shaqaynta laamaha kala duwan ee ciidamada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa u xaqiijiyey sarakiisha ciidamada in ay dowladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo tayeynta iyo xoojinta ciidamada.  taliye kuxigeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay dhiseen guddi ka kooban 8 xubnood oo ka kala tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka, Booliska, Nabad sugidda, iyo Asluubta.

Guddigaan la magacaabay ayaa Madaxwaynaha muddo kooban kadib usoo gudbindoona qorshe midaysan oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Dalka.

Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliiska Somalia General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa Saxaafada uga warbixiyay waxyaabaha looga hadlay Shirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM