Shirqoolo siyaasadeed oo dilaacay xilli mudane lagu dilay is-qarxin

Image
Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ay heleen "hanjabaadyo shaqsi ah".

BELEDWAYNE, Hiiraan - Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa ku geeriyootay qarax is-miidaamin ayaa ku dhimatay weerar is-miidaamin oo caawa lagula eegtay magaaladda Beledwayne, sidda ay illo amni xaqiijiyeen.

Dhanka kale, wasirkii hore Waxbarashada ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo sidoo kale dhaawac halis ah uu kasoo gaaray qaraxyadii is xig xigay ee caawa ka dhacay magaalada Baledweyne, ayaa lagu dhabiibaya mid ka mid isbitaalada magaaladaas.

Marxuumada oo la sheegay in uu isku-miidaamiyey ruux naftii-halige ah iskuna soo rakibay waxyaabo qarxa ayaa todobaad kahor u tagtay xarunta gobolka Hiiraan in ay dib u hanato kursiga tirsigiisu yahay HOP#135.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan ku haysay dib-u-doorashadda Aamina iyadda oo u beegsaneysay dedaalka ay ku bixisay sidii ay cadaalad ugu heli lahayd Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsan sirdoonka.

Villa Soomaaliya ayaa warbixino lagu kalsoonaan karo ay muujinayaan in ay kursigan u dooneysay Cumar Faaruuq oo ah wariye hore kaasoo la sheegay in uu nus milyan doolar u bixiyey in uu hanto xubinimaddan.

Ikraan oo kamid ahayd dadka sida dhow ula shaqeynayey Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii hore ee hay'adda mukhaabaraadka qaranka, ayaa la waayey waxaana dowladdu sheegtay in ay afduubatay dishayna Al-Shabaab.

Aamina ayaa kamid ahayd siyaasiyiin tiro yar oo cod dheer ku beeniyey sheegashadda dowladda kuna eedeeyay Farmaajo iyo Fahad in ay u beegsadeen Ikraan in ay "xog-ogaal u ahayd jariimooyin ay dalka ka galeen".

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo iska fogeeyay sheegashada dowladda ee ku aadan in ay qafaasheen kadibna khaarijiyeen Ikraan ayaan wali sheegan dilka Aamina. Sidoo kale, Daacish ayaan wali ka hadlin dhacdadan.

Beegsiga Aamina ayaa u muuqda mid bilow u ah shirqoole siyaasadeed oo maalmaha soo aadan ka dhici kara qaybo kamid ah dalka maadaama hardanka doorashada uu kululaadey aysana jirin amnigana uu walwal ka jiro.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa helay hanjabaadyo shaqsi ah, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, mudane kamid ah baarlamaanka 11aad iyo mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimada dalka.

"Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas," ayuu Warsame ku qoray ciwaankiisa shaqsiga ah ee Facebook-ga.

Amaanka ayaa mar walba qodob xasaasi ah marka la joogo Soomaaliya gaar ahaan xilliga kala guurka maadaama dildilaac badan uu hareeyo hay'adaha nabad-gelyadda madaxdana ay ku mashquulaan galaangalka siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM