Shuute oo dhaliiley qorshaha amniga Xukuumada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Shuute, ayaa dhaliilay qorshaha amniga Muqdisho u dejisay xukuumada Xasan Cali Khayre.

Shacab badan ayaa siyaabo kala duwan loogu toogtey magaalada caasimadda ah todobaadkan gudahiisa, kuwaasi oo ay ku jiraan Askar u badan Booliska, mana jiro cid loosoo qabtey falalkaasi oo ay soo wariyeen Booliska Soomaaliyeed.

Shuute ayaa xusay in ciidamada ku sugan Muqdisho loo baahan yahay in la dagaal-geliyo, isagoo ku nuux-nuux sadey in hadii taasi aanan la helin ay sii kordhayaan dilal qorsheysan, kuwaasi oo ay inta badan fuliyaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamadda ayuu cod dheer ku sheegay Gudoomiye Shuute inay gabeen doorkoodii ku aadanaa inay sugaan amaanka Muqdisho, isaga oo ku tar-tarsiiyey inay wax ka bedal ku sameeyaan qaabka ay haatan uga howlgalaan caasimadda Soomaaliya.

“Ciidan wuxuu ubaahan yahay in la jiheeyo, hadii aanan sidaasi la sameynin waxaan mar walba maqleenaa qofbaa la diley,” ayuu yiri Shuute oo wareysi dhinacyo badan ka hadlay siiyey qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho.

Fashilka amni ee xukuumadda Xasan Cali Khayre ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar kamid ah xubnaha gollaha shacabka, iyagoo ka digey in hadii aanan la helin qorshe cad ay xaalada sidii kasii dari karto.

Hadalka Shuute ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu shaqadii ka eryay Todoba taliyaal degmo oo ka tirsan Muqdisho, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay gabeen shaqadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM