Sidee looga falceliyey go'aankii xukuumadda ee ONLF?

Image
Qaraarka ayaa sidoo kale wuxuu dhiibistii Qalbi-dhagax ku qeexay "mid sharci darro ah".

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukumadda xilgaarsiinta ah ayaa Axadii ka laabtay go’aankii uu golaha 2017 ku gaaray in ururka ONLF loo aqoonsado urur argagixisio, wuxuuna sidoo kale sheegay in ay khalad aheyd in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax loo dhiibo dowladda Ethiopia.

Golaha oo kulan ku yeeshay xafiiska Rooble ayaa sheegay inuu isku raacay “In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.”

Golaha ayaa sheegay inuu go’aankan gaaray kadib markii uu ogadaay “in dhiibista Qalb-Dhagax aan loo marin sharciga, sidoo kalena soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin.”

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cumar Cabdirashiid, Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa soo kala saaray qoraalo ay ku bogaadinayaan qaraarkii ay qaadatay xukuumadda Rooble.

Xasan Sheekh Maxamuud

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee dalka oo bogaadiyay go’aanka xukumadda ayaa sheegay “In ONLF argagixiso lagu summadeeyo waxay muujineysay madaxbannaani la’aanta siyaasaddeena arrimaha dibadda muddooyinkaan dambe.

Madaxweynihii 8 aad ee dalka ayaa hadalkiisa ku daray “Ka laabashada maanta ee go’aankaas gurracnaa waxa uu Soomaaliya ku soo celinayaa waddadadii toosnayd ee diblamaasiyadda dhexdhexaadka ah. Waan bogaadinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golehiisa wasiirrada.”

Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7 aad ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaan bogaadinayaa, soona dhoweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga laabtay qaraarkii 2017 ururka ONLF Xukuumadda ugu aqoonsatay urur argagixiso, laguna dhiibay Cabdikariim Sh Muuse Qalbi Dhagax”.

Waxa uu hadalkiisa ku daray “ waa go’aan taariikhi ah oo hoosta ka xariiqayaa qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.”

Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay horay Xukuumaddii hore ugu aqoonsatay ONLF inuu yahay Urur Argagixiso.

“Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso.” Ayuu yiri Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa hadalkiisa ku daray “Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed”.

Cumar Cabdirashiid

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo soo dhaweeyay talaabadaan ayaa sheegay in go’aankii xukumaddu qaadatay 2017 uu ahaa taariikh madaw ee dowladda qaadatay

“Waxan soo dhoweynayaa go’aanka Goloha Wasiirada ee looga noqday go’aankii  ONLF looga dhigay argagixisada iyo raaligelinta laga bixiyey falkii baal marsanaa Somalinimada ee lagu dhiibay xurmadle Qalbidhagax. Go’aankii 2017 wuxuu ahaa taarikh Madow. Wax wanaagsan ayaad samaysay Maxamed Xuseen Rooble.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo hadlay go’aanka xukumadda ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Raysalwasaare Rooble iyo Golaha Xukuumadda go’aankii ay maanta ummada Soomaaliyeed kaga daweeyeen daqarkii ceebeed, loogana laabtay gaboodfalkii lagula kacay halgamaa C/kariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) iyo ururkii uu ka tirsanaa ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) ee argagexisada lagu tilmaamay.”

Caynte

Cabdiraxmaan Caynte wasiirkii hore ee qorshaynta xukumadda Soomaaliya oo ka falceliyay go’aanka xukumadda Rooble ayaa yiri “ Xurmadle @MohamedHRoble wuxuu taariikhda Soomaaliya ka galay baal dahab ah, sida waddaniyadda leh ee uu uga dhiidhiyey gaboodfalkii foosha xumaa ee lagula kacay halgamaa Qalbidhagax markii loo dhiibay taliskii TPLF ee Itoobiya, iyo summadeyntii gurracneyd ee ONLF. Guuleyso”

Mahad Salaad

Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golihiisa Wasiirada in ay ka laabteen go’aankii ceebeed ee QALBI-DHAGAX lagu dhiibay, ONLF-na loogu gefey. Waxay ahayd bar-madow oo ku suntaneed dadka iyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane Ra’iisul Wasaare waad ku mahadsantahay in aad naga xoreysay go’aankaas ceebeed ee Farmaajo iyo Khayre ay bideen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Axmed Macalin Fiqi

“Go’aankii maantay golaha wasiiradu ay gaareen wuxuu caddaynayaa in danbi kasta oo dalkan laga geysto haba soo daahee maalin un in cadaaladiisa la gaari doono! Haddii sharcidarro horey Barlmamaanku ugu tilmaamay go’aankii golaha wasiirada ee 06 September 2017, maantana raalli gelin laga bixiyey arrintaas, lagana noqday go’aankii qaldanaa, waxaa dhiman in ciddii k mas’uulka ka ahayd xadgudubkaas in sharciga la horkeeno, loona saaro guddi qaran oo baaritaan sax ah soo sameeya.”

Abshir Bukhaari

Gudoomiyaha ku xigeenka aqalka sare ee baarlamaanka waqtigu ka dhacay  Abshir Bukhaari: Mahadcelin ballaaran & bogaadin ayaan u dirayaa xurmadle Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Golihiisa wasiirada oo maanta baabi’iyey wax-kama-jiraanna ka dhigay go’aankii dhagarta ahaa 2017 ee hoggaankii Nabad & Nolol Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ay ugu gacan geliyeen galeen dowlada Itoobiya halgamaa Cabdikarim Sheekh Muse Qalbidhagax isla markaasna ay ugu aqoonsadeen ururka gobonimo-u-dirirka ahaa ONLF urur agagixiso. Go’aankaas waxa uu ahaa godob ay ka galeen shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed kuna magaca ummadda Soomaaliyeed.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii ay galabta golaha wasiirrada Soomaaliya uga saareen liiskii lagu daray ee argagixisada, isaga iyo ururkiisa ONLF.

Qalbi-Dhagax ayaa sheegay inay qaateen raali gelinta xukuumadda Rooble, balse aysan cafi doonin xubnihii ka soo shaqeeyey in Itoobiya loo dhiibo, ururka ONLF-na lagu shaabadeeyo argagixiso, isagoo cadeeyey in kiiskiisa gacanta ugu weyn uu ku lahaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Qalbi-dhagax oo laga soo qabtey magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta ay maamusho Galmudug ayaa maalmo ku qaatay xabsiga Godka Jilicow kahor inta aan 28-dii August, 2017 loo dhoofin dalka Itoobiya.

Kiiskan ayaa wuxuu kamid yahay qadiyado badan oo bar-madow ku noqdey maamulka muddo xileedkiisu idlaadey ee Farmaajo isla markaana saameyn weyn ku yeelan doona damaciisa in uu mar kale soo laabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Xamse iyo Rigathi.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:32PM

Amnesty: Turkiga wuxuu gudaha Soomaaliya ku dilay 23 qof rayid ah

Hay'adan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay dadkan lagu laayay hal duqeyn dhanka cirka ah.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 10:09AM