Sidee Xasan Sheekh loogu soo dhaweeyay Muqdisho? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa saaka oo Khamiis ah kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay si diiran ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda oo ay kamid yihiin Wasiiro.

Mas'uuliyiinta soo dhaweeyay Xasan Sheekh waxaa kamid ahaa Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Aqalka Sare, Abshir Bukhaari, Wasiirka Amni Xukuumadda Khayre, Maxamed Abuukar Islow, Senator Dufle, Cabdiraxmaan Odawaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, Mahad Salaad iyo Taliyihii hore ee NISA, Sanbaloolshe.

Khayre ayaa xubno kamid ah golihiisa Wasiirada u magacaabey guddi ka qayb qaata soo dhoweynta Xasan Shiikh isagoo diidaya in uu fursad siiyo mucaraadka.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in soo laabashada Xasan Sheekh ay salka ku hayso ku dhawaaqista xisbi siyaasadeed, ay ku midoobi doonaan siyaasiyiin ay isla soo shaqeeyeen, oo hadda kamid ah Baarlamaanka, isaga ayaan hogaamiye u noqon doona. [Halkan ka akhri Warbixinta]

Talaabadaan lagu dhisayo isbaheysigaan ayaa salka ku haysa sidii dhinacyada riixaya fikirkaan cadaadis ugu saari lahaayeen dowlada Farmaajo iney fuliso dalabyada siyaasdaed ay raadinayaan.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxwayne xil kasoo qabtay dalka uu kusoo laabtay Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho iyadda uusan jirin Olale doorasho, waxaana uu kasoo kicitay Xasan Sheekh dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin qoyskiisa.

Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah, gaara ahaan xubnaha Gollaha Shacabka ah ayuu yahay Xasan Sheekh, inkasta tan iyo markii uu dalka isaga baxay aanan la arag isaga oo soo xaadiray mid kamid ah Fadhiyadda sharci dejinta dalka.

Ku dhawaaqista Isbaheysiga cusub ayaa kusoo beegmaysa xili dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ay horey usii shaacisay inay dhankeeda samaysaneyso Xisbi siyaasadeed si ay ugu tartano doorashada 2020.

Xasan Sheekh ayaa dib ugu soo laabtey Muqdisho xilli Kalfadhiga 4aad ee Gollaha Shacabka, ee uu isaga xubinta ka yahay uu furmayo 10-ka bisha September ee sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM