Siyaasiyiin madaxwayne Xasan Sheekh uga digay “isku-day muddo kororsi”

Image
Waxay sidoo kale caddeeyeen inaysan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan horey looga diiday madaxweynihii hore ee dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sh. Axmed , Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si adag uga hadlay burburka shirkii madaxda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka ee Muqdishu. Waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh in uu isku dayayo muddo-kororsi sharci-darro ah, iyagoo ku goodiyay inay tallaabo kasta oo sharci ah u adeegsan doonaan si ay u hor istaagaan damacaasi.

Waxay sidoo kale caddeeyeen inaysan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan horey looga diiday madaxweynihii hore ee dalka. Waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan uu shacabka ku khaldayo ereyga doorasho qof iyo cod ah, isagoo doonaya inuu ku fushado muddo kordhin sharci-darro ah, taasoo aan la aqbali doonin.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, oo goor dhow ka dhoofaya garoonka Muqdisho, isagoo diiday inuu aqbalo muddo kordhintaas. Waxaa jiray isku dayo ay dowladda ku dooneysay iney safarkiisa joojiyaan, balse wuxuu gacan sayray dalabyadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM