Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Image

OSLO- Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Norway ayaa gaartay guul siyaasadeed oo taariikhi ah, kaddib markii laba siyaasi oo asal ahaan Soomaali ah ay door muhiim ah ka heleen Baarlamaanka Norway (Storting), taas oo muujinaysa kororka saameynta Soomaalida iyo bulshada Afrikaanka ee siyaasadda Yurub. 

Maryan Cabdi Xuseen, oo ka tirsan Xisbiga Socialist Left Party (SV) kana soo baxdey magaalada Oslo, ayaa dib loogu doortay Baarlamaanka Norway. Waxay markii ugu horreysay baarlamaanka gashay sanadkii 2021, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xijaaban iyo qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Afrikaan ah ee si rasmi ah kursi uga hela Baarlamaanka Norway. Sidoo kale, waxay hadda ka mid tahay hoggaanka sare ee xisbigeeda. 

Dhanka kale, Hashim Cabdi, oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party), ayaa isna loo doortay Baarlamaanka Norway, isagoo noqday mid ka mid ah xildhibaannada ugu da’da yar ee soo gala golaha, isla markaana ah Soomaaligii ugu da’da yaraa ee taariikhda loo doorto Baarlamaanka dalkaas. 

Guusha Maryan Cabdi Xuseen iyo Hashim Cabdi ayaa loo arkaa astaan muujinaysa doorka sii kordhaya ee qurba-joogta Soomaaliyeed iyo bulshada Afrikaanka ee go’aan ka gaarista siyaasadda dalalka Yurub.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka ka socda siyaasadda Norway, halkaas oo jiil cusub oo asal ahaan ka soo jeeda qoysaska muhaajiriinta ay si isa soo tarayso uga dhex muuqdaan hay’adaha dowliga ah iyo golayaasha sharci dejinta. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM