Siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaaliya oo Shir Ka Bilaabay Muqdisho – Maxaa Laga Filayaa?

Image

MUQDISHO ( GO)- Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bilaabay shir ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online. Shirkan oo la sheegay in uu socon doono muddo saddex cisho ah ayaa lagu falanqeynayaa arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in shirka diiradda lagu saarayo ka jawaabista qorshaha doorasho ee ay wadato Villa Soomaaliya, kaas oo mucaaradku ku tilmaameen mid aan ku salaysnayn heshiis siyaasadeed oo guud. Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro warmurtiyeed ka tarjumaya mowqifka siyaasiyiinta mucaaradka ee ku aaddan xaaladda dalka.

Sidoo kale, xogaha ayaa muujinaya in siyaasiyiinta mucaaradka ay qorsheynayaan in ay la kulmaan wakiillo ka tirsan beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho, si ay ugala hadlaan arrimaha doorashooyinka iyo doorka ay beesha caalamka ku leedahay fududeynta is-afgarad siyaasadeed.

Mucaaradku waxay muddooyinkii u dambeeyay dhaliil u jeedinayeen habka loo wajahayo doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay dowladda in ay sameysay faragelin sharci darro ah oo la xiriirta dastuurka federaalka, isla markaana cadaadis siyaasadeed lagu saaray qaar kamid ah maamulada dalka.


Garowe Online waxay sii wadeysaa la socodka kulankan, waxaana la filayaa in warbixinno dheeraad ah laga helo maalmaha soo socda.

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM