Siyaasiyin ka hor-yimid ciidamadda lagu daabulay Beledwayne

Image
Image
Darafyadan ayaa sheegay in ay askartaas la doonayo in lagu cabsi geliyo dadweynaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Jeneraal Mukhtaar, iyo siyaasiyiin Xildhibaano ah oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa qaadacay ciidankii maanta lagu daabulay Beledweyne.

Dhinacyadan oo shir jaraa'id qabtey ayaa ku baaqay in lasoo celiyo "maadaama loo geeyay in dadka lagu cabsi geliyo looguna talagelin in amni lagu sugo ama Al-Shabaab lagula dagaalamo".

Labada diyaaradood ayaa Ciidamada Haramcad iyo gorgor ee ay tababartay dowladda Turkiga ka qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana la sheegaya in ay yihiin qeybtii ugu horeysay ciidamo gaaraya 400 oo askari oo loo qorsheeyay in Baledweyne ka howlgalaan inta codaynto socoto.

Illo lagu kalsoonyahay Garowe Online u sheegay in ciidamadaan dajiyay Saldhiga ku yaalla magaaladda Baledweyne oo ay ka socdaan banaanbaxyo rabshado wata.

Ma cada ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa daabulista ciidanka Haramcad iyo Gorgor ee magaalada Baledweyne, waxaase ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan in ciidamadan qorshahoodu yahay in ay difaacaan keenista Baledweyne ee madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo mudo sanad ah loo diidan yahay inuu tago Baledweyne.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay qeyb ka qaadanayaan sugida amaanka doorashada Golaha Shacabka ee Baledweyne lagu qabanayo. Kuraasta taalla Xarunta Hiiraan waxaa ka mid ah Hop#086 ee uu tartamayo Fahad Yaasiin agaasimihii hore ee NISA.

Shacabka Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya imaashaha ciidamadan tirada badan ee la sheegayo in ay doonayaan in ay xoog ku keenaan Baledweyne Cali Guudlaawe.

Talaabada ciidamadda lagu geeyay Beledwayne ayaa timid iyadoo magaalada gudaheeda dhinac uga sugan yihiin ciidamo aad u hubeysan oo kasoo horjeeda in Cali Guudlaawe yimaado magaalada Baledweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM