​Somaaliya: Nin Walaalkiisa ku dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Sarkaal katirsan Booliska dowladda Federaalka Somaaliya, ayaa sheegay in Nin lagu magacaabo Maxamed Abuukar in uu toorey ku dilay walaalkiisa magaalada Muqdisho.

Capt Axmed Cali, oo kamid ah Saraakiish Booliska ayaa xaqiijiyay in dilka uu dhacay kadib markii ay murmeen Maxamed Abukar oo 30 jir ah iyo walaalkiisa oo dhanka hooyada ay ka dhasheen.

Dilka waxa uu ka dhacay xaafad ku taalla degmada Boondheere, ee gobolka Banaadir.

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglaha, oo su'aalo lagu waydiinayo xabsii ku yaalla degmada, waxaana lagu wadaa in lasoo taago Maxkamad madani ah.

Dadka deegaanka ayaa aad uga argagaxay dilka, iyagoo ku tilmaamay mid naxdin leh, oo laga xumaado, waxayna Saraakiisha ugu baaqeen in ninka dilay walaalkiisa ay soo taagaan Cadaaladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM