Somalia: 13 Al shabaab oo lagu dilay Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Cabdinaasir Seeraar, Afhayeenka Jubbaland ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya Ciidamada maamulkaasi iyo Al shabaab uu ka dhacay saaka duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka waxa uu xaqiijiyay in ugu yaraan 13 Dagaalyahan oo Al shabaab katirsan inay ku dileen dagaalka oo ka dhacay deegaanka Yoontooy, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Seeraar ayaa intaasi ku daray in dagaalka uu ka damabeeyay markii Ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen Al shabaab isku aruursanayay Tuulada Yoontooy, oo ku yaalla duleedk Waqooyi ee Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland ayaa maanta kusoo bandhigay Kismaayo Meydadka 13 Al shabaab ah, kuwaasi oo Afhayeen Seeraar uu sheegay in markii dambe lagu aasay gudaha magaalada.

Al shabaab dhankeeda sheegtay inay ku dhawaad 15 Askari oo katirsan Jubbaland inay ku dileen dagaal kale oo ka dhacay xalay deegaanka Lug-laawe, oo isna 16KM dhanka Waqooyi ugu beegan Kismaayo.

Deegaanada ku yaalla duleedka Kismaayo waxaa ku sugan Aal shabaab, waxaana inta badan ay ka dhaca dagaallo iyo Duqeymo ay geestaan Diyaaradaha Militariga Mareykanka iyo kuwa Ciidamada Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM