Somalia: 13 Al shabaab oo lagu dilay Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Cabdinaasir Seeraar, Afhayeenka Jubbaland ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya Ciidamada maamulkaasi iyo Al shabaab uu ka dhacay saaka duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka waxa uu xaqiijiyay in ugu yaraan 13 Dagaalyahan oo Al shabaab katirsan inay ku dileen dagaalka oo ka dhacay deegaanka Yoontooy, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Seeraar ayaa intaasi ku daray in dagaalka uu ka damabeeyay markii Ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen Al shabaab isku aruursanayay Tuulada Yoontooy, oo ku yaalla duleedk Waqooyi ee Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland ayaa maanta kusoo bandhigay Kismaayo Meydadka 13 Al shabaab ah, kuwaasi oo Afhayeen Seeraar uu sheegay in markii dambe lagu aasay gudaha magaalada.

Al shabaab dhankeeda sheegtay inay ku dhawaad 15 Askari oo katirsan Jubbaland inay ku dileen dagaal kale oo ka dhacay xalay deegaanka Lug-laawe, oo isna 16KM dhanka Waqooyi ugu beegan Kismaayo.

Deegaanada ku yaalla duleedka Kismaayo waxaa ku sugan Aal shabaab, waxaana inta badan ay ka dhaca dagaallo iyo Duqeymo ay geestaan Diyaaradaha Militariga Mareykanka iyo kuwa Ciidamada Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM