Somalia: ​AMISOM oo ka guurtay Saldhig ku yaalla Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka oo Talaado ah ka guurey Saldhigooda Jaamacadda Gaheyr ee magaalada Muqdishu, oo ay deganaayeen 10 Sano.

Ciidamadan oo kasocday waddanka Burundi ayaa deganaa Xarunta, kuwaasi oo hadda loo raray magaalada Jowhar, ee saldhig u ah gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu Warsidaha Garowe Online u xiijiyay Sarkaal katirsan Booliska Somalia.

Goobta ay ka guureen Ciidamada AMISOM waxaa lagu wadaa in la dejiyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala wareegaya mas’uuliyada amaanka Ciidanka Burundi.

Dowladda Federaalka Somalia, ayaa wada qorshe cusub, oo Ciidmada AMISOM loog saarayo Xarumaha danta guud, kuwaasi ay kamid yihiin Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdishu.

Xukuumadda Farmaajo ayaa goor sii horaysay iclaamisay inay la imaan doonto qorshe looga maarmayo AMISOM iyadoo doonaysan in amniga waddanka gacanta loo galiyo Milatariga dalka.

Waxay qabsatay muddo labo sano in dalka looga saaro Al Shabaab islamarkaana laga maarmo ku tiirsanaanta ciidamada AMISOM ee ka socday Midowga Africa.

Tallaabadan ayaa lagusoo beegay xilli Caasimadda Muqdishu amnigeedu maalmahan aad u wanaagsanaa iyadoo uu socdo qorshaha xasilinta oo sidoo kale hubka looga dhigayo shacabka.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay taliska AMISOM kaasoo ku saabsan sida ay u arkaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM