Somalia: Ammaanka Kismayo oo aad loo adkeeyay

Image

KISMAYO, Somalia- Laamaha Ammaanka magaalada Kismayo ayaa ku jira feejignaan xoog leh, waxaana heegan la galiyay ciidamada qalabka sida iyo kuwa Booliiska, iyagoo saaka baaritaan kawada qaybo kamid ah xarunta gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubbaland.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in waddooyinka soo gala Madaxtooyada la geeyay ciidamo dheeraad ah, kuwaasoo baaritaan kuwada baabuurta iyo dadweynaha aagaas is-ticmaala.

Xogo aan la xaqiijin karin ayaa sidoo kale tibaaxaya in ganacsiga yar-yar ee Madaxtooyada ka agdhow ay yihiin kuwo Xiran, sababo amni darteed.

Wararku waxay sheegayaan in arrintan la xariirto wafdi heer Federaal ah oo maanta la filayo inay booqdaan xarunta maamulka Jubbaland, si ay ugu yeeshaan kulan looga hadlayo xaaladda waddanka Somalia iyo wax-qabadka xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Somalia, ayaa kusii socda magaalada Kismayo, kadib markii lagu war-galiyay in shirkooda Khamiislaha ah ee Asbuucan lagu qaban doono magaalada Kismayo.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in Ra'isal wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo qaar kamid ah golahiisa Wasiirrada saaka kadhoofi doonaan caasumadda waddanka ee Muqdishu.

Waa markii ugu horaysay meel kabaxsan Xamar lagu qabto shirka wasiiradda dalka oo si joogto ah ugu howl gala Muqdishu.

Madaxweynaha Jubaland ayaa goobo Fagaare ah uga sheegey in dowlada federaalka Muqdishu ku eg tahay isagoo markaas durayey ku masquulsanaanta madax Somalida Villa Somalia.

Lama oga sababta keentay in shirkooda todobaadkan loo geeyo Kismayo oo kamid ah magaalooyinka Waaweyn ee dalka.

Goor sii horaysay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa ku dhawaaqday inay ballaarin doonto xafiisyada xukuumaddu ku leedahay magaalooyinka dalka, waxaana Kismayo ka socda qorshe dhismayaal uga samaysanayaan Wasaaradaha qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM