​Somalia: Beesha Caalamka oo ka walaacsan dhisamaha Hiranland

Image

MOGADISHU, Somalia - Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay dedaallada socda ee maamul cusub looga dhisayo gobolka Hiiraan, kaasi oo ay sheegeen inuu caqabad ku noqonayo HirShabelle.

War Saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen QM, Midowga Africa, EU, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK, U.S. ayaa lagu sheegay in ay si dhaw ula socdaan isbedellada ka dhacay HirShabelle iyo Xil ka qaadistii 14-kii August lagu sameeyay Cali Cabdullaahi Cosoble.

Kadib markii uu Cosoble uu diiday xilka qaadista, Saaxiibada Somalia waxay ugu baaqeen dhinacyada inay xaliyaan khilaafka taagan, iyadoo loo marayo qaab Dastuuri ah, islamarkaana waafaqsan sharciga.

Waxay sheegeen dowladahan in Khilaafka jira uu caqabad ku yahay hanaanka dhamaystirka maamulka HirShabelle, oo tan iyo markiii la dhisay 2016-kii, ku howlanaa baahinta maamulkaasi ee gobollada uu ka arimiyo.

Iyadoo laga fekerayo dhibaatada loo soo maray dhisamaha HirShabelle iyo dhaqaalaha badan ee lagu bixiyay, Beesha caalamka waxay ka digayaan in la bur-buriyo, iyadoo loo adeegsanayo maamulka cusub ee lagu dhisayo gobolka Hiiraan.

War Saxafadeedka ayaa lagu sheegay in go'aanada halka dhinac ah, ee aan sharciga waafaqsaneyn, ay abuurayaan in fowdo iyo carqalad horleh, oo ragaadisa hanaanka xasilinta iyo xoojinta dowladnimada dalka Somalia.

Waxaa lagu booriyyay dhamaan dhinacyada, gaar ahaan Cosoble iyo Madaxda HirShabelle inay wada fariistaan, oo ay xal deg deg ah ka gaaraan khilaaf soo ifbaxay ee ku qotoma dhanka awoodda, iyadoo loo marayo Dastuurka maamulkaasi.

Beesha Caalamka waxay sheegeen inay aad ugu adkaynayaan Madaxda Somalia in la dhowro deganaanshaha Siyaasadeed, taasi oo aas-aas u ah horumarka iyo dhisamaha qaranimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka Somalia.

Baaqan ayaa imaanaya iyadoo maalmo kahor looga dhawaaqay Magaalada Beledweyne maamul Cusub oo lagu magacaabo Hiranland, kaasi oo Madaxweyne loogu doortey Calii Cabdullahi Cosoble, kadib markii Xildhibaanada HirShabelle Kalsnooda kala noqdeen 14-kii August.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM