​Somalia: Howlgal ka dhan ah Al shabaab oo ka billowday gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Somalia- Howlgal military oo ka dhan ah Al shabaab ayaa saaka ka billowday gobolka Baay, kaasi oo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, oo garab ka helaya kuwa dowladda Federaalka.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay sidii malleeshiyada Al shabaab looga saari lahaa deegaanada u dhaxeeya degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale iyo isku-furka wadooyinka.

Gudoomiyaha Bardaale Weedow Cali Xasan, ayaa u xaqiijiyay GO in ciidamada huwanta ah ay dileen labo dagaalyahan oo katirsan Al shabaab, kadib markii uu iska hor-imaad ku dhexmaray deegaan 18KM u jira degmada.

Wuxuu intaasi ku daray in ay la wareegeen fariisamo dhowr ah, oo ay ku sugnaayeen Al shabbaab, isagoo intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgalka cusub inta laga xaqiijinayo amniga Tuulooyinka u dhaxaysa Baydhabo iyo Bardaale.

Dhanka kale, Al shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay iska caabisay duulaan  ciidamada dowladda iyo kuwa KG kusoo qaadeen saldhigyadooda, waxaana ay beenisay in laga qabsadey deegaanno badan.

Kooxdan ayaa kala xirtay wadooyinka isku xira degmooyinkii laga saarey 2014 ee gobolka Baay, oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda, kuwa KG oo la socdaan Askarta Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM