Somalia: Iska Horimaad Xoogan oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Iska horimaad xoogan ayaa maanta barqanimadii ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdishu, kaasoo dhexmaray ciidamada howlgalka xasilinta Caasumadda iyo malleeshiya hubaysan.

Goobjooge ayaa Warsidaha GO u sheegay in Dagaalka ayaa yimid markii ciidamada Xasilinta ay weerar ku qaadeey malleeshiya hubaysan, oo Isbaaro u taallay xaafadda Kaawo-Gubeey, ee degmada Wadajir.

Wararka ayaa sheegaya in hal askari oo kamid ah ciidamada xasilinta uu ku dhaawacmay is-rasaaseynta, iyadoo lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo malleeshiyada hubaysan, oo xabsiga loo taxaabey.

Ciidamada Xasilinta ayaa sidoo kale howlgallo ka sameeyay Xaafadda Beerta Khaadka, oo ku dhaw Jaamacadda Gaheyr, waxaana ay kusoo qabteen dabley dhowr ah oo ku lebisan Dareeska shacabka.

Dowladda ayaa dib u dardar gelisay lagu sugayo amaanka Muqdishu maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo ciidamada xasilinta ay fuliyeen dhowr howlgal oo lagu soo qabtey dad falal amni darro ka sameynayay Caasumadda.

Tan iyo bishii Ramadaanka waxaa aad u yaraaday qaraxyadii Kooxda Al shabaab ka fulinaysay magaalada, kadib markii ciidamada ay culeys badan saareen sidoo loo nabadeyn lahaa Muqdishu.

GAROWONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 12:41PM