Somalia: Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka dagay magalaada Kismayo

Image

KISMAYO, Jubaland- Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ka dagay magalaada Kismayo xarunta maamulka Jubaland kadib markii casumaad rasmiya uu ka heley Madaxweyne Axmad Madoobe.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka ambabaxey magalaada Muqdishu ayaa sida wararka nagu soo gaaryaan waxaa garoonka diyaardaha Kismayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha maamulka Jubaland, ku xigeenadiisa, xubno ka tirsan golaha wasiirada, gudoomiyaha Barlamanka, xildhibaano iyo qaybo ka tirsan bulshada.

Mudane Farole ayaa ah safarkii ugu horeeyey uu ku tago Kismayo tan iyo intii maamulkaas la dhiso ayaa markii uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland waxaa uu juhdi badan galiyey dhismaha Jubaland taasoo khilaaf weyn ka dhex abuurey madaxweynihii hore ee Federaalka Somalia Xasan Shiikh.   

Safarka Madaxweynihii hore ku tagey magalaada Kismayo ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu iska casiley kamid ahaanshaha guddiga Dastuurka KMG ee barlamanada Fedraalka.

Iscasilaada Senator Farole ayaa lagu macneeyey iney timid kadib markii uu ka qancey qaabka loo maamuley doorashadii gudoomiyaha gudiga Dastuurka taasoo lagu saleeyey habka qabaliga ee ragaadiyey hurumarinta hay'adaha dowliga.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM