Somalia oo Dhaqaale badan uga lumay Internet la’aanta

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Somalia ayaa ka hadashay Khasaaraha dhaqaale ee dalka kasoo gaarey maqnaanshiyaha Adeegga Inateranet-ka, oo mudo ku dhawaad labo todobaad ka maqan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.  

Wasiirka Isgaarsiinta, Boostada iyo Tignoolijiyada dowladda Federaalka Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in $10 Million oo Doolar oo Khasaaro ah uu soo gaarey Ganacsatada ku tiirsanayd Internet-ka.

Mudo 13 Maalmood oo uu maqan yahay Adeegga Internet-ka waxa uu lumiyay dalka $130 Million oo Doolar, waana masiibo weyn oo dhanka dhaqaalaha ah oo ku habsatay Shirkadaha iyo Hay’adaha kale.

Wasiir ma uusan sheegin sababta uu u go’ay Internet-ka, balse waxa uu sheegay inay socdeen dadaallo ay wado dowladda oo dib loogu soo celinayo Adeeggan muhiimka u ah shacabka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shirkadaha bixiya Internet-ka Muqdishu ayaa sheegay in Cillada ay timid markii Markab weyn oo nooca Ganacsiga ah uu jaray Fiilooyinka badda hoostooda mara ee dalka soo geliya Inaternet-ka Viper Optic-ga.

Internet la’aanta waxuu si aad ah u samneeyaay dhamaan Shirakadaha kala duwan, Hay’adaha dowladda, Xaruumaha Warbaahinta iyo dadka Shacabka ah, oo waayay adeegga Social Media.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM