​Somalia: Qarax Gaari oo ka dhacay duleedka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax weyn, oo ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay galabta duleedka magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Sida ay GO u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, qaraxa ayaa ka dhacay Bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Siinka-dheer, waxaana ku geeriyoodey ugu yaraan 5 ruux.

Gaariga Qarxay  oo nuuciisu ahaa kuwa xamuulka qaada (Dhayne), islamarkaana siday Dhuxul, ayaa qarxay kadib markii ay joojiyeen Ciidamada dowladda ee ku sugan Koontaroolka, kadib markii ay ka shakiyeen.

Jugta Qaraxa waxaa laga maqlay degaanada ku dhow halka uu Qaraxa ka dhacay, iyo Muqdishu.

Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Madiina, ayaa GO u sheegay in ku dhawaad 10 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan lasoo gaarsiiyay, kuwaasi oo u badan shacab la socday Baabuurta rakaabka ee ka ag-dhawaa barta weerarku ka dhacay.

Dadka ku waxyeeloobay Qaraxan waxay qaarkood saarnaayeen Gawaari BL-ah, halka qaarka kale ay la socdeen Mooto ama Bajaaj, oo isaga kala gooashayay Muqdishu iyo Afgooye.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi, waxayna tilmaameen inay la bartilmaameedsatay Gaadiidka AMISOM oo meesha marayay, islamarkaana ay ku dileen askar badan.

Wali dowladda Federaalka Somalia kama aysan hadlin weerarkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM