​Somalia: Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagi lahaa Puntland oo baaqday

Image

GAROWE, Puntland- Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya inuu baaqday safar todobaadkan Puntland uu ku imaan lahaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalkan oo la filayay in Madaxweynaha waddanka uu ku yimaado todobaadka soo socda deegaanada Puntland, ayaa dib loo dhigay muddo aan la cayimin, waxaana arrintaas GO u xaqiijiyay saraakiil katirsan Madaxtooyada.

Wararku waxay intaas ku darayaan in baaqashada Farmaajo ay katimid dhinaca Madaxtooyada Puntland, taasoo culays kaga yimid Cayrintii golaha wasiirrada oo qayb ka ahaa guddi loo xil saaray soo dhaweynta Farmaajo.

Qaar kamid ah Wasiirrada xukuumadda la kala diray, ayaa Madaxweyne Gaas u xil saaray inay ka qayb qaataan maamuus sare oo loo sameeyo Madaxweynaha dowladda Federaalka oo socodaalkiisii ugu horeeyay ku imaan lahaa Puntland, balse waxaa wararku sheegayaan inay arrintaas ka cudur daarteen.

Tallaabadaas ayaa keentay in Madaxtooyadu codsi u dirto Madaxweyne Farmaajo oo ay ka dalbadaan in ilaa muddo booqashadiisa hakiyo inta xal laga gaarayo arrimaha cakiran ee ka taagan Puntland.

Go’aankan ayaa la rumaysanyahay inuu aqbalay Farmaajo.

Sarkaal katirsan Madaxtooyada Puntland oo magaciisa ka gaabsaday ayaa tibaaxay in culays badan Madaxweynaha kaga imaanayaa soo magacaabista golaha wasiirrada ee imaan doona iyo sidoo kale qaban qaabada Xafladda 1 Augusto ee Aas-aaska Puntland.

Socdaalka Farmaajo ayaa dhowr jeer bishan dib u dhacay, kaasoo markasta ka imaanayay dhinaca Puntland oo hadda gashay jaah wareer siyaasadeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa intii uu xilka hayay booqday maamullada waddanka qaybtood oo ugu dambeeyay socdaalkii uu ku tagay magaalada kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM