Somalia: Weerar ka dhacay degmada Qoryooley

Image

QORYOLEY, Somalia -Inta la xaqijiyay 5 katirsan Al shabaab iyo hal Askari oo Boolis ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu billowday markii Kooxda Al shabaab ay weerar ku qaadey xalay saldhiga degmada, halkaasi oo ka dhacay dagaal xooggan oo dhimashada sababay.

Saraakiisha degmada waxay xaqiijiyeen in la iska caabiyay weerarka, islamarkaana khasaarooyin ay gaarsiiyeen xoogagii soo weeraray, oo laga dilay dhowr xubnood, inkastoo aysan sheegin tirada.

Dadka deegaanka waxay tilmaameen in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus, kaasi oo laga maqlayay deegaanada ku dhaw Qoryooley, oo 120KM dhanka waqooyi galbeed ugu beegan Muqdishu.

Al shabaab war ay soo saartey ayay ku sheegtay inay saraakiil sare ay ku dishay weerarka, inkastoo warkaasi ay beeniyeen Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ee gobolka Shabeellaha hoose.

Xaaladda degmada ayaa deggan saaka, waxaana caadi kusoo laabtey isku socodka gaadaiidka iyo dadweynaha, inkastoo ciidamo dheeraad ah lagu soao daadiyay wadooyinka oo baaritaano sameynaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM