​Somalia: Xiisad ka taagan degmada Baladxaawo

Image

BALADXAAWO, Somalia- Xaaladda degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa kacsan, waxaana lagusoo waramayaa inay socdaal deg deg ah ku tageen mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

Xiisaddan ayaa timid kadib markii habeen hore xabsiga lagala baxay Afar ruux kuwaasoo lagu tuhmayay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayaa raggaas habeen hore ku toogtay duledka Baladxaawo iyadoo aysan jirin maxkamad loo soo taagay tuhunka loo haysto.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland oo ay kamid yihiin; Wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Amniga iyo xubno kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha degmada, ku-xigeenkiisa iyo taliyaha qaybta ayaa lagu eedaynayaa inay ka dambeeyeen mas’uuliyadda tallaabada lagu toogtay xubnahaas oo la qorsheynayay in dhawaan lasoo taago maxkamad ku taalla magaalada Kismayo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xubnahaas laga yaabo in lasoo taago maxkamad iyadoo hadda la weydiinayo sida ay ku dhacday in maxaabiis lala baxo dabadeedna la toogto iyagoo aan caddaalad helin.

Waxgaradka deegaanka ayaa aad uga carooday falka lagu dilay ragga dhalinyarada kuwaasoo maydkood lasoo dhigay gudaha magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM