Somaliland oo Ka Hadashay Dalabka Xasan Sheekh u gudbiyay Mareykanka ee Dekadda Berbera

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Abdirahman Dahir Aden, ayaa si adag uga hadlay qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku siinayso Mareykanka maamul gaar ah ee saldhigga Berbera, isagoo ku tilmaamay arintan “dadaal rajo beel ah.”

Wasiirka oo qoraal adag soo dhigay boggiisa baraha bulshada, ayaa ku eedeeyay hoggaanka Soomaaliya inay "ku dheggan yihiin go'aano qalad ah" oo uga hor-istagayo "aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland."

Somaliland ayaa wadey qorshe ah inay Mareykanka siiyo Berbera oo saaran badda Cas, si halkaan saldhig uga sameysto oo Xuutiyiinta ugala dagaalamo, taaso bedelkeedana ay ka hesho aqoonsi. Laakiin Xasan Sheekh ayaa raba inuu ka hor tago taaso, oo siiyo Trump saldhiyada si shuruud la'aan ah.

Hadalkan ayaa ka dambeeyay warbixino ka soo baxay kadib markii la arkay warqad uu Xasan Sheekh u qoray Trump 16-kii bishan taasoo ugu soo bandhigay Mareykanka in Soomaaliya diyaar u tahay inay siiso dowladda Mareykanka 3 garoon diyaaradeed iyo 2 dekadood, si xiriirka loo xoojiyo.

Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in dalabka Soomaaliya ee loogu talagalay Mareykanka uu noqon karo isku day lagu horjoogsado Somaliland aqoonsi la sheegay inuu siin doono Trump. 

Dowladda Soomaaliya ayaa weli si xoogan uga soo horjeedda in Somaliland loo aqoonsado sidii waddan madax-bannaan. Lama oga sababta ku kaliftay inuu Xasan Sheekh Mareykanka siiyo goobahan muhiimka ah, ee ku yaalla meelaha istaraatiijiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM