Soomaali ku xayirneyd Ukraine oo cararay dalalka kale Yurub

Image
Dad badan oo Ajaanib ah oo Soomaali kamid tahay ayaa ku go’doonsan dalka Ukraine.

LONDON, Britain – Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay sidii loo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ukraine oo ku dhawaad dodobaad ay ku dagaalamayaan ciidanka Ruushka iyo kuwa Ukraine oo galab ka helaya wadamada reer Galbeedka.

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ayaa sheegtay in iyada oo fulineysa amarada Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS ay dadaal xoog leh u gashay sidii adeeg Qunsuliyadeed loogu sameyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dagaalada Ukrain ka socda ay noloshoodu saameysay iyo sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirnaa xuduuda u dhaxaysa Ukraine  iyo Poland ayaa lagu yiri”

Qoraal ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa lagu cadeeyay inay sharaf u tahay in ay u howlgashay, hubiseyna badqabka muwaadiniinta kala ah:

Mustafe Cabdul Daahir, Cabdullaahi Xuseen Mursal oo ahaa aday kana tegay Degamadda Waaberi ee Gobalka Banaadir iyo Anwar Axmed Aadan oo ka dhamaantood ka tagay guddaha Soomaaliya si ay u helaan waxbarasho dibada ah.

 si waafaqsan Sharciga Shaqada Dibadda, Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ayaa sheegtau in ay sii laba jibaari “dadaalka wadaniga ah ee lagu samata bixinayo muwadiniinteenauu dagaalka Ukrain saameeyay”,

Dad badan oo Ajaanib ah oo Soomaali kamid tahay ayaa ku go’doonsan dalka Ukraine, kuwaas oo dagaalka uu saameeyay, waxaana socda qorsho dalkaasi looga soo saarayo.

Dhinaca kalena waxaa weli ka cararaya dalkaasi kumannaan qof oo kusii jeeda waddamada ay deriska yihiin.

Dhanka kale safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium ayaa sheegaysa in inta badan Soomaalidii ku xayirantay gudaha Ukraine ay fursad u heleen in ay u gudbaan dalalka deriska la ah Ukraine iyo wadamada Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM