Soomaali ku xayirneyd Ukraine oo cararay dalalka kale Yurub

Image
Dad badan oo Ajaanib ah oo Soomaali kamid tahay ayaa ku go’doonsan dalka Ukraine.

LONDON, Britain – Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay sidii loo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ukraine oo ku dhawaad dodobaad ay ku dagaalamayaan ciidanka Ruushka iyo kuwa Ukraine oo galab ka helaya wadamada reer Galbeedka.

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ayaa sheegtay in iyada oo fulineysa amarada Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS ay dadaal xoog leh u gashay sidii adeeg Qunsuliyadeed loogu sameyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dagaalada Ukrain ka socda ay noloshoodu saameysay iyo sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirnaa xuduuda u dhaxaysa Ukraine  iyo Poland ayaa lagu yiri”

Qoraal ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa lagu cadeeyay inay sharaf u tahay in ay u howlgashay, hubiseyna badqabka muwaadiniinta kala ah:

Mustafe Cabdul Daahir, Cabdullaahi Xuseen Mursal oo ahaa aday kana tegay Degamadda Waaberi ee Gobalka Banaadir iyo Anwar Axmed Aadan oo ka dhamaantood ka tagay guddaha Soomaaliya si ay u helaan waxbarasho dibada ah.

 si waafaqsan Sharciga Shaqada Dibadda, Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ayaa sheegtau in ay sii laba jibaari “dadaalka wadaniga ah ee lagu samata bixinayo muwadiniinteenauu dagaalka Ukrain saameeyay”,

Dad badan oo Ajaanib ah oo Soomaali kamid tahay ayaa ku go’doonsan dalka Ukraine, kuwaas oo dagaalka uu saameeyay, waxaana socda qorsho dalkaasi looga soo saarayo.

Dhinaca kalena waxaa weli ka cararaya dalkaasi kumannaan qof oo kusii jeeda waddamada ay deriska yihiin.

Dhanka kale safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium ayaa sheegaysa in inta badan Soomaalidii ku xayirantay gudaha Ukraine ay fursad u heleen in ay u gudbaan dalalka deriska la ah Ukraine iyo wadamada Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM