Soomaali ku xiran Tanzania oo laga shaqeynayo sii deyntooda

Image
Labada dowladood ayaa lagu waramay in ay "isku fahmeen" in dalkooda lagu celiyo muwaadiniintaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa shalay khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania.

Cabdisaciid Muuse Cali iyo Marwo Liberata Mulamula ayaa, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda, waxay wada hadleen xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania.

Labada Wasiir ayaa, sida ku xusan bayaanka, waxay wada-hadalkooda diiradda ku saareen sidii loo sii horumarin lahaa cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha Labada Qaran.

"Iyaga oo aragtiyo muhiim ah iska dhaafsaday iskaashiga Labada Dowladood ee arrimaha Gobolka iyo Qaaradda ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga," ayay raacisay.

Cali ayaa Dhiggiisa Tanzania uga mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee Shacabka iyo Dowladda aan saaxiibka nahay ee Tanzania ay u fidiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas.

Wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay bilowdey baadigoobka maxaabiis ku xiran dalka Tanzania kuwaasoo la sheegay in ay tahriibayaal ahaayeen.

Qoraal kasoo baxaya safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ayaa lagu yiri "Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ee wadamada Bariga Afrika ee Tanzania, Hay’adda Socdaalka, Xabsiyada (Asluubta) ee Wasaarada Arimaha Gudaha Tanzania iyo Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ayaa haatan hormuud ka ah sidii laysaga kaashanlahaa, looga wada shaqaynlahaa ayna raalli ka yihiin maxaabiistu, bed-qabkooda, Sharaftooda iyo karaamada ay huwanyihiinna la ilaalinayo ayaa dib loogu celinayaa dalkoodii hooyo".

Safaaradda oo "kalsooni" waydiisatay jaaliyada iyo guud ahaan Soomaalida ayaa ku wargelisay waalidiinta "laga warqabo gacantana lagu hayo tirada, magacyada, iyo sawirada tahriibayaasha welina ay socoto ka shaqayntooda". 

Tanzania ayaa kamid ah wadamadda Afrika ee sidda xoogan ay u dagan yihiin Soomaalida kuna leeyihiin ganacsiyo ay canshuurta bixiyaan si weyn ugu tiirsan yahay kobaca dhaqaalaha dalkan dhaca bariga qaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM