Soomaali laba wiil la dhalatay ku khaarijiyey Mareykanka

Image

WASHINGTON, USA - Saddex wiil walaalo ahaa oo asalkoodu Soomaali yahay ayaa xalay ku geeriyootey toogasho ka dhacdey magaalada Kansas City ee gobolka Missouri ee waddanka Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin amni.

Marxuumiinta oo laba kamid ah ay isku hooyo iyo aabe yihiin, kana kalana ay xaga hooyada walaalo ka ahaayeen ayaa lagu kala ah; Cabdiraxmaan Xuseen Cabdicasiis, Cabdiwaaxid Xuseen iyo Hanad Cabdullaahi Cabdicasiis.

Sida laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliska magaalada Kansas, toogashada ayaa ka dambeysay markii Hanad uu rasaas ku furay Cabdiraxmaan iyo Cabdiwaaxid xilli ay marayeen meel ku dhow gurigooda.

Booliska ayaa intaas ku daray in ay dhaawaceen Hanad ka gedaal markii uu xabad kaga jawaabay isku daygooda ku aadanaa in ay joojiyaan markii ay ugu tageen goobta uu falku ka dhacay "isagoo wata qorigii uu dilka ku geystay".

Illaa haatan ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa in Hanad uu ku dhiirado khaarijinta walaalihii. Balse, waxaa kasoo baxaya warar kala duwan oo laga helayo dadka la degan xaafadooda iyo madaxda jaaliyadda Soomaalida.

Fahfaahinada qaar oo Garowe Online uusan si madax-banaan u xaqiijin karin ayaa muujinaya in Hanad uu dilkan u geystay isagoo u aargudaya hooyadii oo isla gudaha Mareykanka uu sanado kahor ku dilay aabaha labada wiil kale.

Aabaha falka dilka ah lagu eedeeyay ayaa, sida ay macluumaadyadda xusayaan, wuxuu haweenaydan ka dumaaley walaalkii oo geeriyoodey kaasoo ay dhalay Hanad iyo gabar kale oo nool.

"Xidigo soo kacaya"

Maxamed Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah jaaliyada Soomaalida ee magaaladda Kanas ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da in Hanad uu had iyo goor u sheegi jiray bulshadda uu ka noolaa in uu maalin un geysan doono fal khaarijin ah.

"Wuxuu ka mid ahaa dadka dhahaya dadbaan dilayaa dadbaan waxyeelleynayaa marka wax aan hubo oo aan u saarinayo ma jiraan balse waxaan is leeyahay cunugaan dhibaato maskaxiyan ah oo uu la tacaallayay mudaba ayaa ka tustay iyo waxyaabaha maandooriyaha ee la isticmaalo inuu dhaafiyo nafta caruurta walaalihiisa," ayuu Maxamed ku sharaxay xaaladda Hanad.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labada wiil kale ee la dilay uu aabahood xabsi u galay dilkaas lagu eedeeyay isla markaana markii uu kasoo baxay jeelka uu u soo socdaalay Soomaaliya isla markaana uu halkaas ku geeriyoodey.

Muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey in Cabdiraxmaan iyo Cabdiwaxiid ay kahor dilkooda tujiyeen Salaadda Taraawiixda gudaha Masjidka Kanas City kaasoo albaabadda loo laabey waxyar kadib markii falku dhacay.

Booliska magaaladda Kanas City oo ka gaabsaday in ay fahfaahin dhameystiran ka bixiyaan kiiskan argagaxa ku abuuraya Soomaalida ku dhaqan gobolka Missouri ayaa wuxuu shaaciyey in saddexda wiilba ay ahaayeen "xidigo soo kacaya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM