Soomaali laga cabsi qabo in ay ku jiraan muhaajiriin "la xasuuqay"

Image
Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareysay falkan oo ka dhacay magaalo xeebeedka Sabratha ee Mediterranean-ka dalka Liibiya.

TRIPOLI, Libya - Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa cambaareeyay "dilkii foosha xumaa" ee 15 tahriibayaal ah oo loogu geystay meel u dhow magaalo xeebeedka Sabratha ee Mediterranean-ka, iyagoo ku eedeeyay mukhalasiin waxayna dalbanayaan cadaalad.

Meydadkan ayaa subaxnimadii Jimcaha laga helay meel xeeb ah, waxaana intooda badan ay ku gubteen dooni gubatay, sida ay sheegeen UN-ka iyo hay'adda Bisha Cas ee Liibiya.

Lama shaacin jinsiyadaha dadkan balse waxaa laga cabsi qabaa in Soomaali ku jiraan maadaama bilooyinkii u dambeeyay aad uga tahriibayeen dalkan.

"Iyadoo xaaladda dhabta ah weli la ogaanayo, ayaa lagu soo warramayaa in dilku uu ka dhashay iska-horimaadyo dhexmaray kooxo iska-hor-imaan-doonno," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay howlgalka Qaramada Midoobay ee UNSMIL.

Waxay ku boorisay mas'uuliyiinta dalka Waqooyiga Afrika "inay xaqiijiyaan baaritaan degdeg ah, madax-bannaan oo hufan si cadaaladda loo horkeeno dhammaan dambiilayaasha."

Liibiya waxay ahayd marin muhiim ah oo loo maro tahriibka qarsoodiga ah xitaa ka hor kacdoonkii 2011 ee lagu afgambiyay Moamer Gaddafi.

Sharci la’aanta ka dhalatay kacdoonkaas ayaa sii xoojisay kaalina dalka ee socdaalka ugu dhimashada badan adduunka ee ka gudbaya badda Mediterranean-ka ee Yurub.

Mukhalasiinta dadka ka soo tahriibiya magaalada galbeedka ku taal ee Sabratha - oo 300 kiiloomitir (185 mayl) u jirta jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga - ayaa sii wada inay ciyaaraan door muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM