Soomaaliya: 12 uu ku jiro Sarkaal ajnabi oo laga dilay Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha ciidamadda xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen tuuladda Jilib-marka oo ku taala wada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka ay ku dileen sarkaal ay ajnabi ah.

Magaca sarkaalka ayaa lagu sheegay Naasir Aljaabiri oo ay sheegeen masuuliyiinta inuu ka soo jeedo Afghanistan, inkasta oo aysan soo bandhigin sawirka ama muuqaal ninkani.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlayay warbaahinta Afka dowladda ku hadasha ayaa intaasi ku daraya in tobaneeyo kale oo Al-Shabaab dil iyo dhaawac loogu geystay howlgalka.

Ma jiro war rasmi ah oo ay kasoo baxay kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab, kaasi oo ay kaga jawaabeyso sheegashadda taliska ciidamadda Soomaaliya qaybtiisa gobolka Shabeellaha Hoose.

Hasa yeeshee, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, Maxmed Ibrahim Barre ayaa oo la hadlay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka gaabsadey inuu xaqiijiyo geerida sarkaalka.

"Qiimeyn ayaa ku sameyn doonan, ma garan karo hadii uu geerooday. Laakiin, waxaa ogahay inuu ku dhaawacmey sarkaal Ajnabi ah, iyo inay ku dhinteen tiro dagaalamayaal ah," ayuu raaciyey.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka dalka waxaa ka socda Guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay wadaan ciidamada dowladda, oo gaashanaya kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Laakiinse, Gudoomiye Barre ayaa carabka ku dhuftey in howlgani ay fuliyeen ciidamo Soomaali ah, islamarkaana macluumaadka ku saabsan inay goobta ay beegsadeen ku sugan yihiin xubnahaasi ay iyaga heleen.

Horaantii todobaadkan ayey ahayd markii gobolada dalka ay kasoo wariyeen talisyadda kala duwan ee ciidamada xooga kadib howlgal ay sameeyeen ku khaarijiyeen dagaalamayaal Shabaab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM