Soomaaliya: Askar ka tirsan NISA oo qarax miino lagu dilay

Image
Ugu yaraan shan askari ayaa la sheegay ku dhinteen, 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Koontaroolka K-13 ee wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka. Illaa haatan, ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Ismiidaaminta ee lagu qaadey barta NISA baabuurta ku baarto ee nawaaxiga Garasbaaley.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho kusoo bateen digniinaha dhanka qaraxyadda oo ay soo jeedinayaan Reer Galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM