Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa Maanta dib ugu laabtay magaaladda Kismaayo kadib safar uu ku tagey Nairobi, Kenya, kaasoo beeniyay hadalkii dowladda Soomaaliya ee ahaa inuusan dalka ka bixi karin.

Madaxtooyadda Jubaland wali ma aysan soo saarin qoraal ay ku fahfaahinayso socdaalka Axmed Madoobe ee Kenya iyo natiijada kulamadii uu lasoo yeeshay diblomaasiyiinta Beesha Caalamka iyo arrimaha kale ee ku heeran safarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho u gudbisay Kenya markii diyaarad laga leeyahay dalkaas, ay hawada soo gashay kadib Axmed Madoobe kasoo qaadey Kismaayo, iyadoo hay'adda duulista rayid sheegtay inay jebisay sharciga isticmaalka hawada Soomaaliya, oo ogolaansho la'aan soo gashay, kana baxday.

Waxay dowladda u yeertay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho, iyadoo sidoo kale wadatashi ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee Nairobi, laakiin markii dambe ka laabatay go'aano ay rabtay inay ka qaadato xiriirka Kenya, oo dano badan Xasan Sheekh uga xiran yihiin, oo ay kamid tahay Qaadka.

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay, lama oga qaabka, laakiin waxaa muuqata in amarkii dowladda fuli waayay, oo cadaatay inaysan Jubaland arrimaheeda wax go'aan ah ku lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM