Soomaaliya: Axmed Madoobe oo soo afjary hadalkii ahaa dalka kama bixi kara

Image

KISMAAYO - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa subaxnimadii Sabtida u duulay Kenya isagoo raacay diyaarad gaar ah, oo kiro ah, taasoo ka dejisay magaaladda Nairobi.

Waa safarkaasii ugu horreeyay tan iyo markii dib loogu doortay xilka madaxweynenimo ee Jubbaland markii 3aad doorasho kadhacay November 2024 Kismaayo, taasoo aysan dowladda federaalka Soomaaliya aqoonsan.

Sida xogaha Garowe Online helay ay sheegayaan, Axmed Madoobe ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doono safiirada beesha caalamka ee ku sugan Kenya, si uu ugala hadlo arrimaha Jubaland iyo Mashaariicda ay siiyaan sidii loo dardar-gelin lahaa.

Sidoo kale, Qodobada laga doodi doono ayaa waxaa kamid ah khilaafka ka dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka, oo meeshii ugu xumayd maraya. Dowladda federaalka ayaa soo saartay amar lagu xirayo Axmed Madoobe, taas oo sii murjisay xiriirka labada dhinac.

Ilo wareedyo kale ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe uu qorsheynayo inuu safar rasmi ah ku aado Imaaraadka Carabta oo xiriir dhaw kala dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa ka dhashay isbeddelo lagu sameeyay dastuurka iyo nidaamka doorashada, kuwaas oo sare u qaaday xiisadaha labada dhinac. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM