Soomaaliya: Barlamanka Federaalka oo Dib u Furmaya – Maxaa Lagu Heshiiyey?

Image

Muqdisho, 5 May 2025 – Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah dib u furmaya, kaddib muddo uu xirnaa sababo la xiriiray khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la diidey in laga qabto. 

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in wadahadal u dhexeeyey xildhibaanada mucaaradka iyo guddoonka baarlamaanka uu sababay in la gaaro isfaham ku aaddan in fadhiyada dib loo bilaabo. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in furitaanka aan lagu carqaladeyn xubnaha horey u diiday.

Guddoonka baarlamaanka ayaa shalay soo saaray qoraal rasmi ah oo looga qaaday xannibaaddii saarneyd 20 xildhibaan oo la sheegay inay horay uga soo horjeedeen furitaanka fadhiyada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, oo ku maqan safar dibadda ah, ayaa la filayaa inuu dalka ku soo laabto Talaadada, si uu ula kulmo xildhibaanada mucaaradka iyo dhinacyada kale ee baarlamaanka.

Mid kamid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay in haddii mooshinada loo gudbiyo si waafaqsan xeer-hoosaadka iyo Dastuurka, aysan jirin wax diidaya in baarlamaanku si caadi ah u furo fadhiyadiisa.

Sidoo kale warar la helayo ayaa tilmaamaya in xildhibaanada mucaaradka ay weli wadaan qorshe ay mooshin kaga keenayaan Ra’iisul Wasaaraha, inkasta oo arrintaas aan weli si rasmi ah loo shaacin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM