Bartilmaameedka cusub ee maleyshiyadda Al-Shabaab

Image
Inkasta oo laga yaabo in aad maqasheen noocyo badan oo qaabanka ay u hawlgalaan ah , haddane waxaa jira nooc cusub oo saamayntiisa leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waa ay yartahay koox u abaabulan sida Alshabaab oo kale in la arko, mana ahan amaane, waa heerka arxan darada iyo maleegista dhagarta ay ka gaareen.

Inkasta oo laga yaabo in aad maqasheen noocyo badan oo qaabanka ay u hawlgalaan ah , haddane waxaa jira nooc cusub oo saamayntiisa leh oo ay u wajahayaan dagaalada beelaha ay kula jiraan.

Maadaamaa hadda shacabkii uu kacdoon sameeyay, beelihiina inta iskood isu abaabuleen ay Alshabaab la dagaalamayaan, waxa ay Shabaab furumo ka furtay meelo kale oo aanan ahayn halkii ay dirirtu ka socotay.

Al-Shabaab ayaa magaalooyinka waaweyn ku ugaarsanaya waxgaradka, odayaasha, ganacsatada iyo dadka ka tilmaaman hadba beesha ay markaasi is hayaan.

Mana tixgalayaan in qofkaasi uu gacan toos ah ku leeyahay dagaalka lagula jiro iyo in kale , ee waa mooraal jabinta dhallinyarada dagaalamaysa, iyo in la xanuunjiyo beesha.

Dilalka qorsheysan waxa ay hadda intooda badan ka dhacayaan Muqdisho, iyada oo dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha ay ka tacsiyaysay 5 odayaasha dhaqanka beel ka mid ah beelaha oo markaliya la dilay.

Beelo kale oo dega Mudug ayaa sanado ka hor sidan oo kale markii loo laayay waxgaradkoodii heshiis qasab ah la qaatay Alshabaab.

Hadaba waa in loo baqin farsamooyinka cusub ee kooxdaan, waxaana looga baahan yahay hay'daha amniga dalka iney magaalooyinka waaweyn ku ilaaliyaan muwaadiniinta. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM