Soomaaliya: Beelaha weli ka maqan furumaha Macawuusleyda

Image

MUQDISHO, (GO) - Iyada oo meel adag ay marayaan dagaalada lagula jiro Alshabaab , iskamarkaasna laga qabsanayo deegaano hor leh, ayaa waxaa jira hubanti la’aan ku saabsan sida Shabaabka looga saari karo deegaanada ay ku xoogganyihiin ee Ceelbuur iyo Ceeldheer.

War saxaafadeed ay Maanta soo saartay dowladda ayay ku sheegtay in lasoo gebogabeeyay wejigii hore ee dagaalka, loona diyaarsanyahay wejiga labaad.

Balse xaqiiqda jirta ayaa ah in beelaha Abgaal, gaar ahaan beesha madaxweynaha ee Wacaysle aysan weli u abaabulnayn dagaal ka dhan ah Alshabaab xilli aad loogu sii dhowaanayo deegaanadooda.

Sidoo kale waxaanan weli dhaqdhaqaaq laga haynin beesha Murusade iyo Duduble ee degta Ceelbuur oo ah meesha xigta ee dagaalada ku wajahanyihiin, Shabaabkana ku sugan yihiin degaankooda.

Xamar waxaa ka socda dedaalo ay wadaan masuuliyiin dowladeed oo ay ku kicinayaan beelaha, balse weli saamayn muuqata ma leh abaabulkaasi. Waxaana jira cabasho ay dowladda ka qabaan beelaha.

Beelahaan ayaa arka in Madaxweyne Xasan Shiikh iyo kooxdiisu halgankii loo soo galay isbadalkii dalka ka dhacey ay isku kobeen. Dadka siyaasada la socda ayaa ka baqaya qanacsanaan la’aanta siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada ay wax yeesho rajada cusub ee lagula diriri karo kooxda Al shabaab. 

Xitaa beelaha abaabulan sida Beesha Saleebaan ee Habar Gidir ayaanan weli samaynin wax hawlgal ah oo weyn, welina lagama hayo wax ka badan hadalo saxaafadda laga jeediyay iyo sawirro ciidamo lasoo bandhigay. Lama oga sababya ay beeshani dib isugu dhigeyso.

Si taasi la mid ah waxaa abaabulan beesha Sacad oo ku sugan Wisil, balse weli wax dhaqdhaqaaq ah lagama hayo.

Beelo kale oo isugu jira Dir iyo Daarood oo gobolada dhexe degen, iyo xitaa qeybo ka mid ah Hawiyaha ayaa warankooda kor u haya, waxaynu wararka sheegayaan in beelahani ay shaki aad u weyn ka qabaan niyadda dowladda dhexe iyo illaa heerka ay ka goantahay in ay dagaalka gacan ka geysato waa haddii ay beelahani dagaal ku qaadaan Alshabaab oo hadda ugu yaraan aysan ka dhaxaynin wax cadaawad ugub ah.

Si kastaba ha ahaatee, guusha laga gaaro dagaalkan waxa ay ku xirnaan doontaa, hadba sida hawlgal mideysan oo daacad laga wada yahay loogu qaado Alshabaab.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM