Soomaaliya: Cabdiraxmaan Cirro oo u safray dalka Imaaraadka

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Cirro, ayaa bilaabay booqashadiisii ugu horeysay oo ku tagayo Imaaraadka Carabta, wuxuuna diyaarad gaar ah ka raacay Maanta Garoonka magaaladda Hargeysa.

Shirkado laga leeyahay Imaaraadka ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan maalgashiga Somaliland, sida Dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor oo xiriir u ah Somaliland iyo Itoobiya.

Booqashadan ayaa imaanaysa xili isbedel uu ka dhacay Somaliland, oo maamulka cusub ee Cirro uu rabo inuu dib u egeis ku sameeyo heshiisyadii horey u gashay dowladdii Muuse Bixii, waxaana kamid ah midka badda ee Itoobiya oo u muuqda inuu fashilmay.

Somaliland ayaa raadinaysay wax aqoonsi siiya mudo 34 sano ah, waxaana gudahooda ka socda dagaallo iyo kala go' oo kasoo dhex baxayaan Maamull kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM