Soomaaliya: Ciidamo dib u qabsaday Baar-Sanguuni

Image

BAAR-SANGUUNI - Ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubba Hoose ayaa dib ula wareegay deegaanka Baar-Sanguuni oo qiyaastii 45-KM u jira magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen Saraakiisha amaanka.

Dib u qabshadda ayaa ka dambeysay markii ay xalay saqdii dhexe ay la wareegeen gacan ku haynta Tuuladan xoogaga Al-Shabaab wax yar kadib markii ay faarujiyeen Ciidamadii ku sugnaa. [Halkan ka akhri].

Taliyaha Guutada 43aad ee ciidanka xooga dalka, Janaraal Cismaan Saxardiid, oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in kadib howlgal qorsheysan oo ay qaadeen ay ku qabsadeen deegaanka.

"Ciidamada dowladda oo kaashana kuwa Mareykan ah oo diyaarado dagaal wata, waxay ku guuleysteen inay dib ula wareegeen Baar-Sanguuni oo ay Shabaab qabsatay xalay," ayuu Taliye Saxardiid yiri.

Wuxuu sheegay Taliyaha inta uu socday howlgalka ay ku dileen 20 kamid ah Al-Shabaab, islamarkaana ay nolasha ku qabteen 35 kamid ah, inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijinaya warkiisa.

Illaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan warkaan oo kasoo yeeray Ururka Al-Shabaab, oo ku aadan in markale lagala fara-maroojiyay Baar-Sanguuni.

Maalmihii u dambeeyay deegaanka Baar Sanguuni wuxuu marti gelinayay weeraro is-daba joog ah oo Al-Shabaab ku qaadeysay Saldhiga Ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM