Dad kala duwan oo sheegtay gabadh yar oo laga heley goobta qaraxa Soobe

Image
Gabadhan yar ee aan hadli karin, magaceedana lagu sheegay Ikraan ayaa noqonaysa astaanta dhibbanayaasha qaraxa Soobe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Muuqaaladii ugu horeeyay ee argagaxa lahaa ee kasoo baxay goobta qaraxa Soobe maalintii Sabtida ayaa ahaa muuqaal nin Askari ah uu xambaarsanyahay gabadh yar oo qiyaastii 2 jir ah oo uu sheegay in uu kasoo ag qaaday hooyadeed oo mayd ah.

Gabadhii oo dhaawacyo qabta ayaa la geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, waxaana yimid dad kala duwan oo sheegaya in ay dhaleen.

Balse sida maamulka isbitaalka u sheegeen warbaahinta, hawsha xaqiijinta waalidka saxda ah ama qaraabada saxda ah waxaa kaliya oo xaqiijin kara booliiska Soomaaliya, kalana saari kara dadka is haysta.

Waxase uu isbitaalka xaqiijiyay in gabadha ay daweynayaan.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli warar tiro badan oo ku faafaya baraha bulshada la sheegayo in ay jiraan dad aysan dhibaatada gaarin balse si been abuur ah u sheeganaya in qaraabadooda ay ku waxyeeloobeen si ay u helaan naxariista dadka, iyaga oo qaarkood lacago looga uruuriyay goobtii qaraxa.

Xukuumadda federaalka ayaa go'aan ay soo saartay ku sheegtay in ay damaanad qaadayso daweynta dhaawacyada, iyo waxbarashada ubadka waalidkood ku dhinteen.

Gabadhan yar ee aan hadli karin, magaceedana lagu sheegay Ikraan ayaa noqonaysa astaanta dhibbanayaasha qaraxa Soobe. Ugu dambeyntii, aabaheeda ayaa la helay, sidda ka muuqata muuqaal ku faafay baraha bulshadda oo ay aad u wadaageen dadweynaha Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM