Soomaaliya: Dalka "aan lala xisaabtamin" dilayaasha saxafiyiinta

Image
Waddanka ayaa sanadkii sideedaad oo xiriir ah kaalinta koowaad ka galay qiimeynta ay sameysay CPJ. [Photo: Abdirahman Adani/Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa sanadkii sideedaad oo xiriir ah waxay kaalinta koowaad ka gashay dalalka aan la xisaabtamin gacan ku dhiigleyaasha dila wariyeyaasha, sida ku cad warbixinta sanadlaha ee Guddiga Ilaalinta Saxafiyiinta ee loosoo garan og-yahay CPJ.

Sidda ku xusan warbixintan, illaa 19 kiis dil saxafiyiin ah ayaan la baarin lana maxkamadeyn cidii ku lugta lahayd tan iyo sanadkii 2021 waxaana kusoo xiga Suuriya ay ka dhaceen 16 kiis.

"Dhammaan dalalkaas ayaa marar badan ka soo muuqday tusmada CPJ, iyadoo colaadaha, xasillooni darrida siyaasadeed iyo sarreyn la’aanta sharciga ay yihiin caqabadaha xoojiya isla xisaabtan la’aanta, isla markaana ay adag tahay in dowladaha ka jira ay awoodda saaraan sidii ay cadaalad ku heli lahaayeen weriyayaashaas," ayaa la raaciyey warbixinta CPJ.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo warbaahinta VOA-da ay la xiriirtey si wax looga waydiiyo warbixintan ayaa ka gaabsatay ama aan kasoo jawaabin codsiga loo diray.

Khatarta ay wariyaasha dalka wajahayaan ayaa waxaa la hoosta laga xariiqay Sabtidii, markii laba qarax oo ka dhacay caasimadda uu ku dhintay weriye Maxamed Ciise Koonan oo u shaqeynayay telefishinka, ayna ku dhaawacmeen labo kale, oo uu ku jiro wariye madax banaan oo wax u soo qori jiray laanta afka Soomaaliga ee VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Saxafiyiinta ayaa inta badan waxay waxyeeladu kasoo gaartey qarax labaad. Waa markii labaad oo Cabdulle uu ka badbaado qarax. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

"Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxay halis ugu jiraan xarig iyo gacan ka hadal uga yimaada Al-Shabaab iyo dowladda," ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo ah afhayeenka ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo wareysi uu siiyay VOA ka hor inta uusan qaraxa dhicin.

Wuxuu raaciyey: "Bulshada warbaahintu waxay u dhimanaysaa isla xisaabtan la'aan. Wax sheeko baaris ah lagama sameeyo Soomaaliya. Sababtu waxay tahay isla xisaabtan la'aanta saamaysay badbaadada suxufiyiinta. Saxafiyiinta waxaa lagu qasbay inay is-faafreebaan, si ay weli u badbaadaan".

"Rabshadaha dhimashada ka sokow, xadhiga waa arrin kale," ayuu yidhi Ibraahim. Xoghayaha guud ee ururka, Cabdalle Axmed Muumin, ayaa la xidhay laba jeer bishii Oktoobar, tallaabadaas oo uu Ibraahim aaminsan yahay inay muujinayso dhibaataynta saxaafadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM