Soomaaliya: Dib u dhis lagu bilaabay Wadada Zoobe [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dib u dhis iyo howlo nadaafadeed oo ballaaran, ayaa ka billowday maanta Isgoyska Zoobe oo Sabtidii, 14-kii bishan uu ka dhacay Qarax gaari oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo ayaa booqday goobta, xilli dib u dhis xooggan uu ka socday.

Veronique Lorenzo oo la la socdeen Saraakiil kale ayaa sheegtay in Zoobe ay u tagteen maanta in muragada ay la qeyb sato shacabka Soomaaliyeed, ee dhibaatada kasoo gaartay weerarka.

Waxay xustay in Midowga Yurub uu 100-kun oo EURO uu uga qeyb qadanayo gurmadka socda, ee isagu jira caawinta dadkii dhaawacmay qaraxa iyo dib u dhiska jidka.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa marka hore Veronique Lorenzo uga mahadceliyay booqashada ay ku timid Isgoyska Zoobe, isagoo dhanka kale ka tacsiyadeeyay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay qaraxa.

Gudoomiyaha oo la hadlayay Warfidiyeenka, ayaa shaaciyay in Wadadka Zoobe loo bixiyay 14-ka October, oo ah maalin lagu xasuusan doono boqolaal dad ah, oo ku dhintay masiibadii halkaasi ka dhacday.

"Shaqo wanaagsan ayaa laga qabtay Wadada qaraxa kadib hadii ay noqon laheyd badbaadin, nadiifin, dadka in niyada loo dhiso iyo dayactir maanta lagu bilaabay wadada oo la saarayo laami cusub," ayuu yiri Thaabit.

Qaraxii Zoobe waxaa fuliyay naftii-hure, katirsanaan jiray Ciidamada Militariga Soomaaliya, oo Al Shabaab uu goostay sanado kahor, waxaana la ogaaday in gaariga uu watay ay saaranaayeen walxo qarxa oo culeeskoodu gaarayo 350Kg.

Weerarkan ayaa waxa uu ninkan u aar-udayay sida la sheegay 10-kii qof ee lagu dilay weerarkii Bariire ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Federaalka ka fuliyeen bishii August.

Bartilmaameedka qaraxa wuxuu ahaa Saldhiigga Turkiga ee Muqdisho, kaasi oo lagu tababarayo Askar cusub oo kamid noqon doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse suurta-geli waysay qorshihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM