Xog dheeraad ah oo laga helay Xasuuqii Zoobe [Akhri]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ninkii waday Garigii TM-ka ahaa ee ku qarxay Isgoyska Zoobe 14-kii October, ee ay ku dhinteen 300 oo ruux, waxaa la ogaaday inuu katirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ninkan oo magaciisa wali la shaacin ayaa rabay inuu u aargudo 10-kii qof ee lagu labo bilood kahor (August) weerar ciidamada Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ka fuliyeen deegaanka Bariire.

Wuxuu haftii-huran uu ku biiray ciidanka militariga dowladda 2010, balse kasoo goostay sanado kadib, isagoo ku biiray Al shabaab.

Baariyaasha ayaa rumaysan in weerarkii Bariire qof ka caradooday oo dadkiisa lagu dilay inuu ka dambeeyay qaraxii Zoobe, inkastoo bartilmaameedkiisu uusan ahayn halka uu ka dhacay.

Awoodda qaraxa oo aah mid aan horey uga dhicin, ayaa waxaa uu baabi'iyay boqolaal Kiiloomitir oo isku-wareeg ah, iyadoo saameyntiisuna noqotay mid bedeshay Taariikhda dalka Soomaaliya.

Al Shabaab wali ma sheegan qaraxa, balse xubin katirsan Kooxdan oo gacanta ay ku dhigeen Ciidamada dowladda dhacdadaasi kadib ayaa uu sheegay baariyaasha in Al shabaab ay ka dambaysay masiibada dhacday.

Weerarkii Bariire dadkii ku dhintay waxaa ku jiray saddex carruur ah oo da'doodu u dhaxayso 6 illaa 10 sano, iyadoo odayaasha deegaankaasi ay ku hanbajeen inay ka aar-gudan doonaan dowladda Soomaaliya iyo Xulufadeeda Mareykanka.

Fahfaahino dheeraad ah ayaa wali kasoo baxaya Xasuuqii Zoobe, kaasi oo uu daba socday qarax kale oo gaari NOAH ah fuliyay. Gaariga weyn ee TM-ka waxaa saarnaa walxaha qaraxyada ka sameysan oo gudaha dalka lagu soo farsameeyay, kuwaasi oo culeeskooda gaarayo 350Kg.

Bartilmaameedka labada gaari waxay ahayd Xarunta Xalane oo ku dhegan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadda, halkaasi oo ay xafiisyo sidoo kale ku leeyihiin Hay'adaha QM, kuna yaallaan dhowr Safaaradooda.

Gaariga NOAH-da ah waxaa la qorsheeyay in lagu dhufto Albaabka Madiina Gate, ee laga galo xarunta Xalane, si uu wadada ugu furo midka weyn ee TM-ka ah, sid uu u galo gudaha dhisamahaasi aadka loo ilaaliyo.

Ninka waday Gaariga NOAH-da ah, oo horey Muqdisho uga fuliyay weeraro kale, ayaa la qabtay kadib Gaarigiisa uu ku qarxay Xaafadda Ceel Qalow, ee degmada Wadajir, meel aan sidaasi uga fogeyn Isgoyska Zoobe.

Wuxuu ku lug lahaa qarax ka dhaxay hotel Jazeera 2012-kii, oo ay ku dhinteen 8 qof.

Tirada dhimashada qaraxii Zoobe ayaa maraysa hadda 300, iyadoo marba marka ka dambaysa sare usoo kacaysa, maadaama meydad horleh laga helay goobta, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo dhaawacyadooda u geeriyooday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM